Home / Somali News / Trump oo baajiyay booqashadiisii dalka UK

Trump oo baajiyay booqashadiisii dalka UK

12/01/2018

 

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa baajiyay booqashadii la sii qorsheeyay ee uu ku tagi lahaa UK bisha Feebaraayo, wuxuuna sheegay in uusan “taageeraysanayn” safaaradda cusub ee Maraykanku uu ka dhistay London, taas oo la qorsheeyay in uu isagu furo.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa la filayay in uu furo safaaradan cusub oo ay ku baxday hal bilyan oo doolar, taas oo uu qorshaheeda lahaa madaxweynihii ka horreeyay ee Barack Obama, Trump ayaana ku tilmaamay “in fikraddaasi ay ahayd mid xun”.

Hadda waxaa laga yabaa in munaasabadda furitaanka uu ka qaybgalo wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson badalkii madaxweyne Trump.

Trump ayaa aqbalay casuumaad ay u fidisay boqoradda Ingiriiska ka dib markii Ra’iisulwasaaraha Britain Theresa May ay booqasho rasmi ah ku tagtay Maraykanka sannadkii hore.

  • Hal milyan qof oo saxiixday dalab Trump looga joojinayo inuu booqdo Britain
  • Britain oo ku gacansayrtay hadal ka soo yeeray Donald Trump
  • May: Trump wuu ku khaldanaa sii faafinta muuqaallada Islaam naceybka

Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Britain ee Downing Street ayaa diiday in uu wax ka dhoho baajinta booqashada Trump ee UK.

Trump ayaa Twitterka ku soo qoray in uusan ku faraxsanayn in maamulkii Obama uu gaday safaaraddii hore ee Maraykanka ayna ku badasheen “laws”.

Donald J. Trump
@realDonaldTrump

Reason I canceled my trip to London is that I am not a big fan of the Obama Administration having sold perhaps the best located and finest embassy in London for “peanuts,” only to build a new one in an off location for 1.2 billion dollars. Bad deal. Wanted me to cut ribbon-NO!5:57 AM – Jan 12, 2018
38,469 Replies 11,190 Retweets 40,687 likes

Wuxuu sheegay in dhismaha cusub ee Vauxhall ee Koonfurta London in ay “durugsan tahay” wuxuuna intaas ku daray “Ma inaan xariga ka rajaad rabtaan, Maya!”

BBC waxay fahamsan tahay in xafiiska Ra’iisulwasaaruhu uu qorshaynayo in booqashadaas loo wareejiyo dhammaadka sannadkan, si Trump uu markaas xariga uga jaro dhismaha boqoradda ee Buckingham Palace.

Laakiin wali ma jirto maalin khaas ah oo la calaamadiyay, Maraykankuna sidoo kale wali ma uusan calaamadinin taariikhda booqashadaas.

Xigasho: BBC Somali News

Leave a Reply