Home / Somali News / Talyaaniga Oo Badbaadiyay Muhaajiriin Ay Dooni Kula Dagtay Xeebaha Dalkaas

Talyaaniga Oo Badbaadiyay Muhaajiriin Ay Dooni Kula Dagtay Xeebaha Dalkaas

07/01/2018

 

Rome – Ciidamada Ilaalada Xeebaha dalka Talyaaniga ayaa sheegay in Doontani oo ay saarnaayeen Muhaajiriin African ah oo ka soo shiracatay dalka Liibiya ay ku dagtay Xeebaha dalkaasi, iyadoona ay ku dhinten 8 Qof, halka 86 kalena ay sheegeen in ay soo badbaadiyeen Ciidamada Ilaalada Xeebaha dalka Talyaaniga.

Sergio Liardo oo ah Madaxa Ilaalada Xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay iyaga oo kaashanaya howlgalka Midowga Yurub ee ka hortaga Tahriibayaasha ay soo badbaayiyeen 86 Qof oo saarnaa Doonta dagtay.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Doontani oo ay meel fog ka arkeen ay dusheeda saarnaayeen kaliya 20 Qof, halka inta kalena ay Biyaha Badda ku harqanayeen.

Waxaana uu tilmaamay in weli ay wadaan baaritaano ay ku baadi goobayaan Tahriibayaal dheeraad ah oo weli Badda ku maqan

Muhaajiriintani la soo badbaadiyay ayaa gabi ahaan ka soo jeeda Qaaradda Africa, inkasto aysan kala Cadeynin dalalka ay u kala dhasheen Muhaajiriitaasi, iyadoona xusid mudan tahay in had iyo jeer Tahriibyaal Soomaaali ah ay marin ka sii dhigtaan dalka Liibiya, xilliyada ay ku wajahan yihiin Qaaradda Yurub.

Xigasho: Shabelle Media Network

Leave a Reply