Home / Somali News / Laba askari oo lagu dilay Degmada Afgooye iyo ciidamada Dowladda oo hawlgal baaris ah

Laba askari oo lagu dilay Degmada Afgooye iyo ciidamada Dowladda oo hawlgal baaris ah

16/09/2017

 

Rag ku hubysan Bastoolado ayaa lagu soo waramayaa in habeenkii xalay ahaa ay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ku dileen Labo askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda.

Askartan ayaa markii la dilaayey waxay ku sugnaayeen meel ku dhaw suuqa Khaatka lagu iibiyo, waxaana goobta ka baxsaday raggii dilkaasi ka dambeeyay.

Dad ka dhawaa halka uu dilkaan ka dhacay ayaa sheegay in sidoo kale halkaasi uu ku dhaawacmay askari kale oo goobta ku sugnaa.

Al Shabaab ayaa la sheegay inay qaateen mid ka mid ah qoryihii ay wateen labada askari ay dileen, waana ay la baxsadeen.

Maamulka degmada Afgooye kama aanu hadal dilalkaan dhacay, hase ahaatee ciidamada dowladda ayaa wada howlgallo ay arrintaan ku baarayaan.

Degmada Afgooye waxaa muddooyinkaan dambe kusoo badanayey falalka amni darada ah, iyadoo sidan oo kale degmadaasi uga dhaceen dilal.

Xigasho: Universal Somali TV

Leave a Reply