Home / Somali News / Faah Faahinno Ka Soo Baxaya Weerar Al Shabaab Ay Ku Qaadeen Balad Xaawo

Faah Faahinno Ka Soo Baxaya Weerar Al Shabaab Ay Ku Qaadeen Balad Xaawo

11/09/2017

 

Balad Xaawo – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Weerar Xarakada Al Shabaab ay ku qaadeen Xero Ciidamada Maamulka Jubbaland ay ku leeyihiin Magaalada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo.

Weerarkan oo ku bilaawday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay albaabka hore ee Xerada ayaa waxaa xigay dagaal culusoo dhexmaray Ciidamada Maamulka Jubaland iyo kuwa Al Shabaab.

Dagaalka oo saacado qaatay ayaa waxaa Dagaalyahanada Xarakada Al Shabaab lagu soo waramayaa in ay u suuro gashay in ay la wareegeen gacan ku heynta Xeradaasi, kadib markii Ciidanka Jubbaland ay isaga baxeen.

Xarakada Al Shabaab oo dhabarka u ritay masuuliyada Weerarkaasi ayaa sheegay in ay dileenj 30 Askari oo ka mid ahaa Ciidamada Maamulka Jubbaland oo ku sugnaa Xerada Ciidan ee ku taalla Magaalada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo.

Wargeyska The Star ee ka soo baxa Kenya ayaa qoray in Ciidamada militariga ee Kenya ay qaadeen howlgallo looga saarayo Al Shabaab Xerada la weeraray.

Waxaa Wargeyska sidoo kale uu daabacay in ka badan 180 Askari oo ku sugnaa Xerada in ay u baxsadeen dhanka Magaalada Mandera, maadaama Weerarka uu ahaa mid xoogan.

Xiriiriyaha Gobolka Waqooyi Bari, Maxamuud Saalax ayaa waxuu sheegay in hub ka dhigis ay ku sameeyeen Askartii ka soo baxsaday Xerada Ciidamada Maamulka Jubaland ee Magaalada Balad Xaawo.

Waxuu sheegay in Askartan ay la joogaan Ciidamada Dowladda Kenya ee ku sugan Magaalada Mandera,

Dhinaca kale, Wargeyska Daily Nation oo ka soo baxa Dalka Kenya ayaa daabacay in 19 Ruux oo ku dhaawacmay Weerarkaasi ka dhacay Magaalada Balad Xaawo la dhigay Isbitaalada Magaalada Mandeera.

Wargeyska ayaa sidoo kale xusay in 7 Askari oo ka mid ah Ciidamada Maamulka Jubbaland oo ku soo dhaawacmay Xerada la weeraray in dhaawacooda la gaarsiiyay Isbitaal ku yaalla Magaalada Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.

Saraakiisha Caafimaadka qaar kood ayaa sheegay in aad ay u liidato qaar ka mid ah Dadkii ku dhaawacay Weerarkaasi ka dhacay Degmada Balad Xaawo oo qiyaas ahaan 4km u jirta Magaalada Mandera.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Maamulka Jubbaland oo ku aadan sheegashada Xarakada Al Shabaab.

Xigasho: Shabelle Media Network

Leave a Reply