Home / Somali News / Dilalka Soomaalida Loogu Geysto Koonfur Afrika Oo Kordhay

Dilalka Soomaalida Loogu Geysto Koonfur Afrika Oo Kordhay

10/01/2018

 

Cape Town – Waxaa sii xoogeysanaya dhibaatooyinka Muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu geysto gudaha dalka Koonfur Afrika.

Xasan Kaafi Maxamed Shire oo ah Wariye madax banaan oo ku sugan Koonfur Afrika ayaa sheegay in tan iyo bilaawgii Sanadkan cusub ee 2018 dalkaasi lagu dilay illaa 5 Qof oo Soomaali ah, kuwaas ooo Ganacsiyo ku lahaa Dalkaasi.

Wariye Xasan Kaafi ayaa tilmaamay in ay sii xoogeysanayaan dhacdooyinka dilalka ee dalkaasi loogu geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed,.

Waxaana uu xusay in Sanadkii hore ee 2017-kii dalka Koonfur Afrika lagu dilay in ka badan 100 Qof oo Soomaali ah.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

Audio Player

00:00
00:00

Xigasho: Radio Shabelle

Leave a Reply