Home / Article and Opinium / Dhacdooyinka amni darada Xamar Farmaajo kadib

Dhacdooyinka amni darada Xamar Farmaajo kadib

Labo todobaad ayaa laga joogaa intii madaxtinimada uu ku guuleystey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana durba dhacaya weeraro lagu qaadayo dad muhiim ah, waxayna ka turjumeysaa caqabadaha uu wajahayo Farmaajo.

Wargeyska KismaayoNews wuxuu todobaad kasta soo gudbin doonaa tirakoobka dhacdooyinka amni darada iyo horumarka amniga laga sameeyey maadaamaa waxa koowaad ee madaxweynaha looga fadhiyo uu yahay amniga.

Waxqabadka madaxweynahana rajada badan laga leeyahay marnaba lama barbardhigi doono kuwii ka horeeyey, loogamana qiyaas qaadan karo kuwii hore waxa ay qabteen ama qaban waayeen, waayo madaxweynahani waa kii la wada sugayay ee ku yimid rabitaanka shacabka.

Dhacdooyinka

Labo maalmood kadib markii la doortey Farmaajo waxaa la weeraray gaari ay wadatay xildhibaanad Muno Kay, nasiib wanaag iyada kuma aysan jirin xiligaasi.
Maalinkii uu xafiiska la wareegayay hoobiyeyaal ayaa lagu weeraray madaxtooyada, cidna waxbo kuma noqonin.
Maanta oo ay taariikhda ku beegantahay 18-ka Feberaayo waxaa toogasho lagu diley afhayeenkii hore ee maamulkii Ximan iyo Xeeb Mudana Maxamed Cumar Xagafeey . Waxaa ay dhacdada ka dhacdey degmada Hodan.
Isla maanta degmada Xamar Weyne waxaa lagu dhaawacay taliye ku xigeenkii hore ee NISA mudane Xasan Maxamed Cali .

Talaabooyinka uu Amniga ka Qaaday Farmaajo

Wuxuu magacaabay lataliyaha amniga madaxweynaha Xuseen Macalin Maxamuud Sh. Cali taariikhda markii ay ahayd 16kii Feberaayo 2017. Ninkani oo ay wada dhasheen guddoomiyaha Xisbiga Daljir Xildhibaan Xasan Macalin oo olog la ah Farmaajo ayaa waxa uu horey usoo ahaa agaasimaha waaxda dibada ee NISA, lana soo shaqeeyey madaxweynayaashii hore.
In xilkii ugu horeeyey ee uu magacaabo arrimaha amniga muhiimad siiyo waxa ay ka turjumeysaa in Farmaajo uu muhiimada koowaad siinayo amniga, balse in shaqsigani yahay kii ku haboonaa xilkani waa uu wax uu waqtiga sheegi doono.

Sidoo kale talaabo lagu wada farxay waxa ay ahayd in maanta markii ugu horeysey muddo 8 bilood kadib mushaarkii la siiyey ciidamada booliiska Soomaaliyeed.

Isla maanta Farmaajo waxa uu la kulmey safiirada waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, wuxuuna kala hadlay sidii looga hawlgali lahaa arrimaha la dagaalanka Alshabaab iyo xasilinta amniga.
Ciidamada NISA ayaa iyaguna sheegey in ay qabteen rag 3 ah oo maanta falal amni daro ka fuliyey magaalada Caasimadda ah, sida dilkii Xagafey iyo dhaawaca Xasan Dheere .

Leave a Reply