Home / Article and Opinium / Bandhigga Buugaagta Garoowe: Madaxweyne Cabdiwali Gaas oo si rasmi ah u daahfuray

Bandhigga Buugaagta Garoowe: Madaxweyne Cabdiwali Gaas oo si rasmi ah u daahfuray

Madaxweynaha Puntland Abdiwali Maxamed Cali Gas ayaa furey bandhigga waxaa ayna si wadajir ah uwada furey wasiirka waxbarashada bandhiggan oo saddex maalmood ka socon doona Magaalada Garoowe Caasimadda dowlad gobaleedka Puntland.

Boqollaal qof oo isugu jira abwaanno iyo qalinley ayaa ka soo qayb galay bandhigga buugaagta ee Garoowe ka fumay manta.

Illaa 572 buug oo isugu jira qaamuusyo, buugaagta sheekooyinka carruurta, gabayo, sheekooyin ka hadlaya dhaqanka iyo buugaag heer caalami ah ayaa lagu soo bandhigay.
Bandhigga buugaagta waxaa agaasimkeeda iska kaashaday Hay’adda Hormarinta iyo Cilmi barista (SIDRA) iyo madbacadda SCANSOM.

Marti ajinabi ah oo Af Soomaaliga bartay oo qoray ayaa ka soo qaybgalay munaasibadda oo halkaasi qutbado ka jeediyay waxaana kamid ahaa Prof Lidwien E Kapteijns oo qoray buug hadlaya qabyaaladda, Dr. G. Kapchits oo udhalatay Ruush.

Guuleed Saalax Barre agaasimaha hay’adda SIDRA ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay furitaanka bandhigga taariikhiga ah ee ay inta badan maalgeligay dowlad gobaleedka Puntland.

Abwaanka weyn ee Soomaaliyeed Axmed Cali Idaaja ayaa kamid ahaa abwaannad ka soo qaybgalay isagoo halkaasi kusoo bandhigay labo buug oo cusub oo uu isaga qoray.

Bandhigga noocaan oo kale ayaa horey uga qabsoomay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.

Bandhiggan ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo maalinta Axadda ah 31-da Luulyo 2016.

Leave a Reply