23/09/2017

 

Cadaado (WBW: The GBM) – Banaanbax weyn oo lagu taageerayay go’aankii uu Hogaamiyaha Galmudug Axmed Ducaal Geele Xaaf ee uu ka qaatay Dalka Qatar isla markaana uu ku taageeray Dalalka Imaaraadka iyo Sacuudiya, ayaa lagu soo waramayaa in goor dhow uu ku qabsoomay Magaalada Cadaado oo hada xarun u ah Galmudug.

Maalintidii Arbacada ay aheyd markii uu Warsaxaafadeedka uu soo saaray Madaxweyne Axmed Docaale Geele Xaaf.

Hase ahaatee, maalintii xigtay waxaa kasoo horjeestay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo si cadiifad ahaan ah toos ugulo saftay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wasiir Koowaad Xasan Cali Kheyre.

 

Warsaxaafadeedkii uu Madaxweyne Axmed Docaale Geele Xaaf uu soo saaray waxaa uu ku qoran yahay halkan hoose.

Wixii war ah ee kusoo kordho, kala soco Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media).

Xigasho: Banaadir Weyne

Leave a Reply